Fenerbahce Oo Aad Uga Cadhaysan In Arda Guler Doortay Real Madrid Bedelka Barcelona & Sababta

0
185

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka kooxda Turkey-ga ah ee Fenerbahce ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen go’aanka uu da’yarkooda Arda Guler ku doortay inuu ku biiro Real Madrid bedelka kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.

Barca ayaa mudo dheer hoggaanka u haysay saxeexa ciyaaryahanka loo arko mid mustaqbal weyn leh balse Madrid ayaa markaliya deg-deg usoo gashay iyadoo bixisay 20 Milyan oo euro lacag 3 Milyan oo euro ka badan inta heshiiskiisa lagu jabinayay.

Sida uu haatan sheegayo warsidaha Mundo Deportivo, madaxweynaha Fenerbahce ee Ali Koc ayaa doonayay inuu Guler doorto Barcelona sababtoo ah inay taasi ka dhignaan lahayd inuu sanad kale iyaga lasii joogi lahaa.

Inu Real Madrid ku biiray ayaa ah inay kooxda caasimada Spain isla haatan qaadanayso safkeedana ku darayso Guler.

Barcelona ayaa kula heshiisay Fenerbahce heshiis dhigaya inay xagaaga dambe ee 2024 si rasmi ah ula wareegi doonaan 18 sano jirkaas maadaama ay adagtahay in haatan maamulka La Liga diiwaan geliyaan.

Ugu dambayn, Los Blancos ayaa ah kooxda gacanta ku dhigtay saxeexa Arda waxaana la filayaa in heshiiska saacadaha amaba maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.