Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa Shaacinta Heshiiska Declan Rice & Man City Oo Candhuufteeda Dib U Liqday

0
161

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iskaga baxday tartankii ay ugu jirtay xiddiga West Ham ee Declan Rice kaddib markii laga diiday dalab ay ka gudbiyeen oo qiimihiisu ka hooseeyey midkii ay hore ugu xidhay Hammers, waxaan hadda dhoosha ka qoslaysa oo shaacinta heshiiska Rice isku diyaarinaysa Arsenal.

Gunners ayaa xalay gudbisay dalab cusub oo ah midkii saddexaad, kaas oo ah  £100 milyan oo Gini oo kaash ah iyo  £5 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa ciyaareed.

Kaddib dalabka cusub ee Arsenal ay gudbisay ayaa waxa uu ku qasbay Manchester City inay ka baxdo tartanka Declan Rice iyaga oo diiday in ay bixiyaan lacag gaadhaysa  £105 milyan oo Gini oo ka dhigaysa Rice ciyaartoyga ugu qaalisan Ingiriska.

Dalabkii Man City ee habeen hore ayaa ahaa  £90 milyan oo Gini oo ay qayb ka mid ah ku xidhnaanayeen bandhiggiisa iyo guulaha uu ku gaadho Etihad Stadium, hase yeeshee Arsenal ayaa dhamaystirtay qiimihii ay West Ham dalbanaysay oo waliba dhaafisay  £5 milyan oo dheeraad ah, si ay albaabka uga  xidho kooxaha hungurigu ka hayo saxeexa laacibkan.

Declan Rice ayaa noqon doona ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda Arsenal, waxaana uu dhaafi doonaa Nicolas Pepe  oo sannadkii 2019 ay  £72 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Lille balse markii uu la jaan-qaadi kari waayey tababare Mikel Arteta loo diray amaah.