Lionel Messi Oo Afka Furtay Markii Ugu Horreysayna Ka Hadlay Qaabkii Jamaahiirta PSG Ula Dhaqmeen

0
111

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lionel Messi ayaa laba xilli ciyaareed oo uu laba horyaal Ligue 1 kula soo guuleystay lasoo qaatay Paris Saint-Germain balse taageerayaasha kooxdaas xidhiidh aan fiicnayn kala soo kulmay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Messi ayaa haatan aamusnaantii ka baxay isagoo ka hadlay xidhiidhka aan fiicnayn ee u dhaxeeyay isaga iyo taageerayaasha PSG bilihii ugu dambeeyay kahor inta uusan kooxda ka bixin.

Lionel Messi

Leo ayaa xagaagii 2021 kaga yimid PSG dhinaca kooxdiisii Barcelona oo awoodi wayday inay sii haysato, Leo ayaa si weyn loosoo dhaweeyay iyadoo taageerayaasha qaar maalmo sugayeen soo dhawayntiisa.

Xiddiga toddobada jeer kusoo guuleystay Ballon d’Or ayaysan arrimuhu sidii uu doonayay u noqon maadaama oo uu lix gool kaliya usoo dhaliyay Paris xilli ciyaareedkiisii koowaad.

Xilli ciyaareedkii labaad ayay xaaladu sii xumaatay iyadoo taageerayaasha kooxdu si joogto ah ugu orinayeen una haysteen fashilka kooxdooda ee Champions League.

Leo oo haatan la hadlay RMC Sports ayaa sheegay inuusan kali ku ahayn wixii ku dhacay balse ay sidoo kale Neymar iyo Kylian Mbappe hab-dhaqankaas kala soo kulmeen taageerayaasha PSG.

“Markii ugu horreysay cajiib ayay ahayd waxaan helay dhiirigelin badan sidaan markasta sheego balse intaas kaddib dadku waxay bilaabeen inay si ka duwan iila dhaqmaan, qaar kamida taageerayaasha Paris, intooda badani waxay iila dhaqmayeen sidii ay bilawgii iila dhaqmeen” ayuu yidhi xiddiga maanta 36 sano jirsaday.

“Waxa jiray muran ka jira qayb weyn oo taageerayaasha Paris ah, dabcan ma ahayn wax aniga dareenkayga jeediyay”.

“Balse kuwani waa waxyaabo horeba ugu dhacay Mbappe iyo Neymar, waa qaabka ay wax u sameeyaan balse wali waxaan xasuustaa dhammaan dadkaas i taageerayay sidii ay sameeyeen bilawgiiba”.