Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Al Nassr ahna kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay isku qoray buugga rekoodhada caalamiga ah ee Guinness World Records.
Sababta Cristiano ku mutaystay inuu galo taariikhdaas ayaa ah inuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaadha 200 kulan oo kulamo caalamiya ah.
Ciyaaryahanka ugu soo dhaw ayaa ah Bader Al Mutawa oo 196 kulan usoo ciyaaray xulka qaranka Kuwait. Ronaldo ayaa kulankiisii ugu horreeyay usoo ciyaaray Portugal sanadkii 2003 bishii August isaga oo kahor tagay xulka Kazakhstan.
Ronaldo ayaa sidoo kale ah gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kubadda cagta heer qaran maadaama oo uu 122 gool usoo dhaliyay Portugal.