“Waan Soo Laabanayaa..” Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa

0
93

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa la hadal hayaa qofka uu noqon doono tababaraheeda mustaqbalka ee beddelaya Carlo Ancelotti oo xaqiijiyey in sannadkani noqonayo midka ugu dambeeya ee uu laylinayo Real Madrid, sidoo kalena ah dhamaadka qandaraaskii saddexda sannadood ahaa ee uu saxeexay.

Zinedine Zidane ayaa safka hore ku jira iyadoo aanu wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu ka tegay Los Balncos sannadkii 2021 oo ahayd waqtigii labaad ee tababarenimadiisa Madrid.

Paris Saint-Germain ayaa ah kooxda kale ee sida weyn u doonaysa Zinedine Zidane, iyaga oo shaqada ka caydhiyey Christophe Galtier, illaa haddana ma aanay magacaabin beddelkiisa, inkasta oo lala xidhiidhinayo Julian Nagelsmann.

Waxa kale oo jira xiise ka imanaya kooxaha waddanka Sucuudiga oo lacago badan inay ku kharash gareeyaan diyaar u ah, waxaana Zinedine Zidane oo waraysi bixyey uu sheegay in uu kusoo laabanayo shaqada, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu waqtiga sheego.

“Waan u xiisay shaqada kubadda agta, waanay iman doontaa. Ma garanayo waqtiga, balse waan soo laabanayaa.” Ayuu yidhi Zinedine Zidane.

ZIZOU ayaa si weyn loola xidhiidhnayay xulka qaranka Faransiiska, balse waxa Koobkii Adduunka kaddib heshiis cusub saxeexay Didier Deschamps oo la filayo in uu sii joogo illaa sannadka 2026.

Zinedine Zidane oo wax laga weydiiyey damaciisa xulka ayaa yidhi: “Hore ayaan u sheegay, in marka aad tahay ciyaartoyga xulka qaranka France usoo dheelay ee aad noqoto tababare, in ay macquul tahay in aad ku fikirto. Laakiin waqtigan ma aha.”