Antonio Conte Oo Ka Badheedhay Mustaqbalka Romelu Lukaku Ee Inter Milan & Chelsea

0
112

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Talyaaniga ah ee Antonio Conte ayaa la taliyey weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula jiray Inter Milan uu dhamaaday, isla markaana dib ugu laabanaya Chelsea oo laba sannadood ka hor £97.5 milyan oo Gini kaga iibsatay Inter Milan laakiin ogolaaday inay isla kooxdii amaah ku siiso xagaagii hore.

Antonio Conte oo ay Tottenham shaqada ka eriday xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu usoo jeediyey Romelu Lukaku in uu ku qalqaaliyo Chelsea in ay ka iibiyan Inter Milan, halka koxoda Talyaaniga ahna uu u sheegay in ay sii haystaan Lukaku oo aanay dib ugu celin Blues.

Lukaku oo canaan badan ku mutaystay finalkii Champions League ee Manchester City ee Sabtidii oo uu fursado khasaariyey dhamaadkii, isla markaana kubbad ku socotay goolka ay isaga ku dhacday oo soo difaacay, ayaa waxay Antonio Conte ku wada guuleysteen horyaalka Serie A sannadkii 2021, waxaana uu wali kalsooni badan ku qabaa tayda Lukaku.

Conte oo ka hadlayay xafladda Arezzo ee abaal-marinnada sannadka ayaa yidhi: “Romelu waxa uu 30kii daqiiqadood ee uu ku jiray finalkii Champions League uu muujiyey waxa uu qaban karayo, sababtoo ah waxay ahayd waqtiga ay Inter heshay fursadaha badan.

“In garoonka uu soo galo ciyaartoy sidiisa u xooggan ayaa isbeddel ku sameeyey ciyaarta.

“Waxa sannadkan soo gaadhay dhawacyo, balse ma jirto cid shaki gelin karaysa tayadiisa.”

Antonio Conte ayaa waxa uu intaa kaddib farriin u diray Inter, waxaanu yidhi: “Inter waa in ay Lukaku kala heshiiso Chelsea oo ay sii haysato.”