CHAMPIONS!!! Manchester City Oo Ku Guuleysatay Koobkeedii 1aad Ee Champions League, TAARIIKHDA Weyn Ee Loo Diiwaangeliyey Iyo Geesiga Libinta Ku Suntan

0
80

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleystay koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ah, waxaanay sameeyeen taariikh weyn oo ay ku noqdeen kooxdii labaad ee abid isku-darsata Premier League, FA Cup iyo Champions League iyaga oo barbarreeyey rikoodhkii Manchester United ee sannadkii 1999kii.

Xiddiga reer Spain ee Rodri ayaa dhaliyey goolka goolka kaliya ee Manchester City ka caawiyey in ay 1-0 kaga takhalusto Inter Milan oo bandhig heersare ah samaysay laakiin iska khasaarisay fursadihii ay heshay.

M CITY

Ciyaarta oo qaybteeda hore ay fursaduhu aad u yaraayeen ils amarkaana uu goolhaye Andre Onana kubbad halis ahayd ka joojiyey Erling Haaland, ayaa waxa ruxay dhaawac soo gaadhay Kevin De Bruyne oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 36aad.

Inter Milan wax halis ah ma aanay gelinin goolka Man City qaybta hore, inkasta oo ay kubadda la qaybsadeen oo ay diideen in Man City ay siday doonto u maamulato ciyaarta, isla markaana xakameeyeen Erling Haaland.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu doqoniimo sameeyey weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez oo kubbad uu qalday Bernardo Silva ula tegay goolhaye Ederson, waxaana halkii uu uga dhiibi lahaa Lukaku oo meel fiican taagnaa uu doorbiday inuu isagu ku laado, waase laga badbaadiyey, isaga oo ku dhuftay goolhayaha Brazil.

Rodri ayaa xerada ganaaxa bannaankeeda ka helay kubbad uu Bernardo Silva kasoo celiyey meel laynka bannaanka u dhow oo xerada ganaaxa dhaxdiisa ah, waxaana uu ku liishaamay darbad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa iyadoo aanu goolhayaha Cameroon ee Onana aanu is-dhaqaajin.

rODRI

Di Marco ayaa birta garaacay markii uu kubbad dhinaca midig laga soo qaaday uu ku qabtay madax balse, Lukaku ayaa mar kale kubadda oo lagu celiyey oo kusii socota goolka Man City ay kusoo dhacday, iyadoo uu weeraryahanka Belgium shimbir u noqday kooxda kasoo horjeedday.

Lukaku ayaa madax awood badan ku qabtay kubbad dhinaca laga keenay, balse nasiib-darro waxay lugta kaga dhacday goolhaye Ederson oo aan kuba tago-gelin oo garan la’ meel uu u raaco kubadda.

Phil Foden ayaa kubbad ula tegay goolhaye Onana oo laga raacay, balse daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayaa uu goolhaye Ederson la baxsaday kooxdiisa oo uu kubbad halis ahayd ka badbaadiyey Gosens oo beddel kusoo galay.

Ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester City oo sidaas ugu guuleysatay Champions League oo ay u tahay markii koowaad ee taariikhdeeda.

Pep Guardiola ayaa ugu dambayn gaadhay hammigiisii ugu weynaa ee Manchester City oo ahayd inuu kusoo daro liiska kooxaha waaweyn ee Yurub ee haysta Champions League, iyadoo lix sannadood oo uu joogay uu sidoo kale u qaaday shan horyaal oo Premier League ah.

Waxay Man City barbarraysay rikoodhkii Manchester United ee saddexda koob ee 1999kii uu Sir Alex Ferguson sameeyey ee ay hal xilli-ciyaareed ku wada guuleysteen Champions League, Premier League iyo FA Cup, taas oo aanay jirin koox kale oo Ingiriis ah oo samaysay.