Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Da’yarka weerarka kooxda Manchester City ee Julian Alvarez ayaa sameeyay taariikh cajiib ah kaddib guushii kooxdiisu Champions League kasoo hoysay xalay.
Man City ayaa iska reebtay doodii ahayd inaysan waligeed hanan tartanka ugu weyn heer kooxeed ee Yurub kaddib markii ay 1-0 ku dubatay Inter Milan oo ay Finalka iskugu yimaadeen magaalada Istanbul kulan xiiso badnaa.
Kooxda ree Talyaani ayaa muujisay geesinimo weyn iyadoo aan nasiib ku lahayn inay shabaqa Sky Blues gaadhaan xilli goolka lagu kala baxay uu dhaliyay Rodrigo Hernandez daqiiqadii 68-aad ee kulanka.
Guushaas ayaa ka dhigan in weeraryahan Julian Alvarez uu kubadda cagta ku dhammaystiray da’da 23 sano jir isagoo kusoo guuleystay dhammaan koobabka asaasiga u ah kubadda cagta.
Taariikhda gaarka ah ee Julian xalay loo diiwaan-galiyay ayaa ah inuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay abid ee ku wada guuleysta saddexleyda koobabka ah iyo Koobka Aduunka hal xilli ciyaareed gudihii.