DEG-DEG: N’Golo Kante Oo Ka Tegay Chelsea, Dhiishii Faqriga Oo Uu Tuuray & Xiddiga Ay Ku Midoobayaan Sucuudiga

0
71

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer France ee N’Golo Kante ayaa soo afjaray waayihiisii Chelsea waxaana uu heshiis weyn oo uu ku xoogsanayo lacag ka badan intii uu Blues ka helay sannadihii uu joogay uu qalinka ugu duugay koox ka dhisan waddanka Sucuudiga.

N’Golo Kante ayay jiidatay lacagta waallida ah ee waddanka Sucuudiga ee hore ay u doonteen Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo, waxaana uu ogolaaday in uu soo afjaro waqtigiisii Chelsea isaga oo hadda ka gaabsanaya in uu qalinka u qaato heshiis cusub oo ay Blues u bandhigtay.

Kubbad-burburiyahan ayaa waxa uu ku biirayaa kooxda Al Ittihad ee maanta sida rasmiga ah ula wareegtay Karim Benzema oo markii ugu horreysay ay ku midoobi doonaan koox iyaga oo horena ugu soo wada ciyaaray xulka qaranka Faransiiska.

Kante

N’Golo Kante ayaa waxa uu saxeexayaa heshiis laba sannadood ah oo soconaya illaa 2025 oo uu sannadkii mushahar ugu qaadanayo €100 milyan oo Euro oo xaasil ah oo aanay cashuur la socon.

Maamulka kooxda Al Ittihad oo ku sugan magaalada London ayaa dhamaystiraya heshiiska N’Golo Kante oo hadda la diyaariyey isla markaan asaxeexa oo kali ahi uu ka hadhsan yahay.
Al Ittihad ayaa noqon doonta koox ku hubaysan xiddigo waaweyn, waxaana marka ay isku hubsatay Karim Benzema iyo N’Golo Kante ay sidoo kale danaynaysaa ciyaartooyo kale oo ka dheela Yurub oo ay isku xoojinayso.