Mustaqbalka Ilkay Gundogan Oo Waji Kale Yeeshay Xilli Ay Barcelona Kursi Gaaban Ugu Fadhido

0
101

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa isku dayaysa in ay ku qanciso kabtankeeda Ilkay Gundogan in uu sii joogo Etihad Stadium oo uu saxeexo qandaraas cusub iyadoo heshiiskiisa hore uu ku egyahay bishan June ee aynu ku jirno.

32 jirkan oo bandhig heersare ah ka sameeyey finalkii FA Cup oo uu laba gool ka dhaliyey Manchester United, sidoo kalena burburiyey Real Madrid semi-finalki Champions League, ayaa waxay Manchester City u bandhigtay heshiis laba sannadood ah oo uu mid ka mid  ah dookh yahay.

Tababare Pep Guardiola ayaa doorweyn ka ciyaaraya qancinta Ilkay Gundogan oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey lix gool u dhaliyey, waxaase ay si gaar ah kooxdu hawsha heshiiska kabtankooda ugu xil-saareen Txiki Beggiristain oo ah agaasimaha ciyaaraha ee Manchester City.

Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in aanu Gundogan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa oo uu sugayo finalka Champions League ee ay la ciyaari doonaan Inter Milan Sabtida toddobaadka soo socda.

Wakiilka Ilkay Gundogan oo lagu magacaabo Ilhan ayaa waxaa u sheegay saxaafadda in aanay jirin koox ay illaa hadda heshiis la gaadheen, hase yeeshee dalabka Manchester City ee heshiiska cusub ayaa faahfaahin dheeraad ah laga helay iyadoo dhinaca kalena ay Barcelona jawaab ka sugayso Ilkay Gundogan.

Man City ayaa waxay hordhigtay Gundogan heshiis soconaya hal sano oo ah xilli-ciyaareedka 2023/24, balse uu wehelinayo dookh ay kooxdu hirgelin karto oo ah sannad kale oo heshiiskiisa lagu kordhin karayo.

Warbaahinta ayaa rumaysan in mushaharka ay Man City u bandhigtay Ilkay Gundogan uu ka badan yahay midka ay Barcelona ula  diyaarka tahay, taasina ku riixayso inuu sii joogo Etihad Stadium.