Roy Keane Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Ugu Horreeya Ee Ay Tahay In Man United Laga Caydhiyo!!

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa u sheegay kooxdaasi inay suuqa xagaagan ka gudubto oo iska dirto shabaq ilaaliyaheeda David De Gea oo xilli ciyaareed isku dhafan soo qaatay.

De Gea ayaa ku guuleystay abaalmarinta gacanta dahabka ah maadaama uu kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday Premier League, shalay ayuu Old Trafford la yimid abaalmarintaas iyadoo xiddigaha kooxdu sawiro kula galeen.

Image

32 sano jirkaas ayaa shabaqiisa soo ilaashada 17 kulan isagoo 3 kulan dheer goolhayaha ugu soo dhaw oo ah Alisson Becker.

Si kastaba, David ayaan qancin Roy Keane oo aaminsan in haddii kooxdu doonayso inay horumar ku samayso kacaanka tababare Erik Ten Hag ay tahay inay iska diraan goolhayaha ree Spain oo uusan kooxda wadada koobabka kusoo celin karin.
“Manchester United waa inay difaac ahaan ka horumarto sidii ay ahayd xilli ciyaareedkii hore sababtoo ah aad ayay u xumaayeen” ayuu yidhi Keano.

“Iyagu (Ciyaartoyda Man United) dhammaantood De Gea ayay wakhti fiican halkaas kula qaadanayaan, anigu degdeg ayaan uga gudbi lahaa isaga. Aniga iimuu noqdeen, isagu Manchester United wadada guulaha kuma soo celinayo, gabi ahaanba maya”.

Ten Hag ayaa isku dayaya inuu heshiis cusub ka saxeexo David waxaana uu dhawaan sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu qandaraas kordhin samayn doono.

Man United ayaa xilli ciyaareedka dambe kusoo laabanaysa ka ciyaarista Champions League wuxuuna Keane aaminsan yahay inay goolhaye cusub aad ugu baahi qabaan.