REKOODH!! Leo Messi Oo Dhigay Laba Kamida Rekoodhada Ugu Waaweyn Abid Kubadda Cagta

0
98

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayay xalay u ahayd habeen khaas u ah oo uu dhigay qaar kamida rekoodhada ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta.

Messi ayaa horyaalkii labaad oo xidhiidh ah ee Ligue 1 ah kula guuleystay kooxdiisa kaddib barbardhac 1-1 ah oo ay la galeen Strasbourg.

Messi ayaa kulankaas kasoo dhaliyay goolka kaliya ee ay Paris heshay isagoo u ahaa midkiisii 496-aad ee uu ka dhaliyo dhammaan horyaalada waaweyn ee Yurub.

Leo ayaa goolkaas ku dhigay inuu noqday ciyaaryahanka abid goolasha ugu badan ka dhaliyay shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub isagoo dhaafay rekoodhkii Cristiano Ronaldo oo mudo bilo ah haatan Yurub ka maqnaa.

Rekoodhka kale ee Messi dhigay ayaa ah inuu koobkiisii 43-aad waayihiisa ciyaareed kusoo guuleystay isagoo noqday xiddiga abid ugu koobabka badan taariikhda kubadda cagta lana wadaaga rekoodhkaas Dani Alves.

Guud ahaan xilli ciyaareed weyn ayuu u yahay 35 sano jirkaas oo hore ugu soo guuleystay Koobka Aduunka iyo abaalmarinta xiddiga sanadka FIFA.

Image