Labada Kooxood Ee Waaweyn Ee Ku Dagaallamaya Heshiiska Marco Asensio Kaddib Go’aankiisa Real Madrid

0
83

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaddib markii uu xiddiga reer Spain ee Marco Asensio go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago Real Madrid xagaagan oo uu ku egyahay qandaraaskiisa Santiago Bernabeu, waxa hanqalka lasoo kacay laba kooxood oo waaweyn oo illaa hadda bannaanka keenay damacooda laacibkan.

Asensio oo Real Madrid kusoo biiray xagaagii 2014, ayaa illaa hadda u saftay 190 ciyaarood oo dhaman tartamada ah oo uu u dhaliyey 37 gool, waxaana uu go’aansaday in uu soo afjaro kooxda uu guulaha badan la gadhay ee uu la qaaday saddexda Champions League, saddexda horyaal iyo koobab kale oo badan.

27 jirkan ayaa uu wakiilkiisu go’aanka laacibkan uu ku wargeliyey kooxo horyaallada Premier League, Serie A iyo Ligue 1, waxaana ugu cadcad oo durba damacooda muujiyey PSG iyo Manchester United.

Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay in uu la socodsiiyey maamulka kooxda in uu doonayo Asensio oo waliba waqti hore laga hawlgalo heshiiskiisa, si aan looga hor-qaadin sidii Cody Gakpo oo kale oo ay Liverpool kaga guuleysatay horyaalka.