Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal oo ujeedkeedu yahay inay culayska kusii hayso dhigeeda Manchester City ayaa caawa Emirates Stadium ku qaabilaysa dhigeeda Brighton.
Wararka Labada Kooxood
Arsenal waxa wali kasii maqnaan doona daafaceeda dhexe ee muhiimka ah ee William Saliba oo dhaawac dhabarka ah la dhibtoonaya.
Partey ayaa shaxda asaasiga ah kusoo laaban kara isagoo Jorginho booska kala baxaya kana garab dheelaya Xhaka iyo Odegaard.
Saka, Jesus iyo Martinelli ayaa la saadaalinayaa inay markale weerarka dheelaan oo uu bedel ku iman doono Trossard.
Dhinaca Seagulls, tababare De Zerbi ayaa kulankii Everton dhaawacyo ku waayay Webster iyo Solly March iyadoo ay horeba uga maqnaayeen Jakub Moder, Adam Lallana, Tariq Lamptey iyo Jeremy Sarmiento.
Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Kiwior, Gabriel Magalhaes, Tierney; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli
Brighton (4-2-3-1): Steele; Gross, Dunk, Colwill, Estupinian; Caicedo, Mac Allister; Buonanotte, Enciso, Mitoma; Ferguson
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates
Wakhtiga: 6:30 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Andrew Madley