HORDHAC: Everton v Man City – Sean Dyche Oo Imtaxaamaya Guardiola, Arsenal Oo Kulankan Rajo Qabta & Xogaha Kulanka

0
110

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda horyaalka difaacanaysa isla markaana hoggaaminaysa ee Manchester City ayaa maanta kulan adag marti ku ah gegida Goodison Park oo ay Everton ugu tagayso.

Toffees ayaa wareegii hore ee xilli ciyaareedka Sky Blues barbardhac 1-1 ah kusoo qabtay kulankii ka dhacay Etihad Stadium, markale ayay ku adkayn karaan maanta.

Mid kamida sababaha Arsenal ula socon doonto kulankan ayaa ah in Everton ka ordayso heerka labaad oo waliba kalsooni qabto kaddib markii ay Brighton 5-1 kusoo jiid-jiiday kulankeedii ugu dambeeyay.

Wararka Labada Kooxood

Sean Dyche waxa ka maqnaan doona oo ka dhaawacan xiddigaha kala ah Seamus Coleman, Andros Townsend, Dele Alli, Ben Godfrey iyo Ruben Vinagre.

Man City waxa sii maqnaan doona daafaca bidix ee Nathan Ake xilli la filanayo in Pep Guardiola isbedelo ku samayn doono shaxdii uu Real Madrid kaga hortagay Salaasadii iyo waliba mida uu u qorshaynayo inuu Arbacada kula ciyaaro.

Akanji, Dias iyo Laporte ayaa la filayaa inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan halka Lewis uu Rodri khadka dhexe kala dheeli karo doorkii Stones.

Alvarez iyo Foden ayaa khadka dhexe ee hore ciyaari kara doorkii De Bruyne iyo Gundogan halka Mahrez iyo Grealish garbaha weerarka kasoo muuqan karaan si ay u caawiyaan Haaland.

Shaxaha Macquulka Ah

Everton (4-3-4): Pickford; Patterson, Tarkowski, Mina, Mykolenko; Garner, Gueye, Doucoure; Iwobi, Calvert-Lewin, McNeil

Man City (3-4-2-1): Ederson; Akanji, Dias, Laporte; Mahrez, Lewis, Rodri, Grealish; Foden, Alvarez; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Goodison Park

Wakhtiga: 4:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor