Duruufo kala duwan oo soo food saaray dadka barakacay fatahaada Baladweyne ee ku nool Ceel jaale.

0
79

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadkan oo u badan haween iyo caruur ayaa guryo ku meelgaar ah oo ka sameysan baco iyo geedo la isku gee geeyay ka sameystay xaafadda Ceel jaale ee magaalada Baladweyne, kuwaasoo aan celin karin, qoraxda qabowga habeenkii iyo dhibicda roobka.

Qoysas oo markii horaba ahaa kuwa danyar ah islamarkana guryahooda uga barakacay fatahaada uu geystay webiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne ayaa xiligan wajahaya duruufo kala duwan oo ay ka mid yihiin hoy la’aan, biyo la’aan iyo musuqlo la’aan.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegaya