Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada ku nool Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ah Bulsho si weyn uu isticmaasha Hilibka Geela kaasi oo ah il dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana laga maareyo nolosha Qoysas badan.
Dadka sida weyn u Isticmaala Hilibka Geela ee ku nool Degmada Dhoobley oo aan wareysi layeelanay ayaan wax ka weydiinay Faa’iidooyiinka laga Dhaxlo Cunista Hilibka Geela iyo waxyabaha ay ku doorbideen Cunistiisa iyo sido kale hadii ay jiraan waxyaabo ay iskaga garteen intii ay cunayeen Hilibka Geela waxaayna bulshada ugu baaqeen in ay ka faa’iideystaan Cunista Hilibka si ay iyagna markooda ula arkaan Faa’iidooyiinkiisa.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya