HORDHAC: Bournemouth v Chelsea – Blues Oo Mid Kamida Kooxaha Ay Serie B Ka Wada Cararayaan La Ballansan, Lampard Oo Wali Guul Doon Ah & Xogaha Kulanka

0
164

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa maanta booqanaysa gegida Vitality Stadium iyagoo halkaas ugu tagaya kooxda ay min 39-ka dhibcood wadaagaan ee Bournemouth.

Labada kooxoodba waxay min 9 dhibcood ka sarreeyaan kaalmaha Premier League lagaga dhaadhaco, kulankan ayaa muhiim u ah dadaalada ay ugu jiraan inay baaqi kusii ahaadaan tartanka.

Dhinaciisa macalinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa wali guushiisii koowaad raadinaya tan iyo kusoo laabashadiisii kooxda isagoo lix kulan aan xataa barbardhac galin.

Wararka Labada Kooxood

Cherries waxa ka maqnaan doona Ryan Fredericks, Junior Stanislas iyo Marcus Tavernier laakiin waxa xaaladooda taam ahaansho kulankan kahor la qiimayn doonaa Hamed Traore, Chris Mepham iyo Kieffer Moore.

Chelsea dhinaceeda waxa liiska dhaawacyada kaga biiray Marc Cucurella xilli ay horeba uga maqnaayeen Marcus Bettinelli, Reece James, Kalidou Koulibaly, Mason Mount iyo Armando Broja.

Chalobah ayaa lagu wadaa inuu daafaca midig kusoo bilawdo isagoo afarta daafac la buuxinaya Fofana, Thiago Silva iyo Chilwell.

Lampard ayaa markale saddexleydiisa khadka dhexe kusoo wada bilaabi kara Kante, Kovacic iyo Enzo Fernandez halka Mykhailo Mudry, Kai Havertz iyo Noni Madueke weerarka kusoo wada bilaaban karaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Bournemouth (4-2-3-1): Neto; Smith, Senesi, Kelly, Vina; Lerma, Rothwell; Ouattara, Billing, Christie; Solanke

Chelsea (4-3-3): Kepa; Chalobah, Wesley Fofana, Silva, Chilwell; Kante, Enzo Fernandez, Kovacic; Pulisic, Havertz, Mudryk

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Vitality Stadium

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: John Brooks