RIKOODH: Erling Haaland Oo Jabiyey Rikoodhka Halyeeyadii Ingiriiska Ee 28ka Sannadood, Iskuna Qoray Taariikhda Premier League

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rikoodh cusub oo aanay cid hore samaynin ayaa caawa loo diiwaangeliyey weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, kaddib markii uu gool ka dhaliyey West Ham United ciyaartii ay 3-0 ku karbaasheen ee ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Haaland ayaa jabiyey rikoodhkii wada-jirka ugu yaallay halyeeyadii Ingririiska ee Andy Cole iyo Alan Shearer ee goolasha ugu badan ee horyaalka Premier League laga dhaliyo hal xilli-ciyaareed gudihii, waxaana hadda ciyaartoygii abid ugu goolasha badnaa noqday Erling Haaland.

Baas qurux badan oo uu ka helay Jack Grealish ayaa uu Erling Haaland weydaariyey Lukasz Fabianski, waxaana uu noqday goolkiisii 35aad ee xilli-ciyaareedkan uu ka dhaliyo horyaalka Premier League, waana dhacdo ugub ah iyo wax aanay cidina hore u samaynin.

Andy Cole oo u ciyaari jiray Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkii 1993/94 waxa uu dhaliyey 34 gool oo horyaalka Premier League ah, waxaase barbarreeyey Alan Shearer oo Newcastle United u ciyaarayay xilli-ciyareedkii 1994/95.

28 sannadood oo ay Andy Cole iyo Alan Shearer haysteen rikoodhka gool-dhalinta ugu badan ee horyaalka oo 34 gool ahayd, waxa caawa dhaafay Erling Haaland oo 35 gool dhaliyey, iyadoo waliba ay kooxdiisa u hadhsan yihiin shan ciyaarood oo kale oo horyaalka ah oo uu sii dheeraysan karo rikoodhkii gool-dhalinta.

Toddobaadkii hore ciyaartii ay 4-1 ku burburiyeen Arsenal ayaa uu Haaland barbarreeyey goolasha Andy Cole iyo Alan Shearer, ka hor intii aanu caawa taariikhda isku qorin.

Mishiinka goolasha reer Norway ayaa waxa uu sidoo kale hoggaaminayaa gool-dhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan isaga oo haysta 12 gool, waxaana uu fursad u haystaa in uu sii dheeraysto semi-finalka oo ay isku dhaceen Real Madrid.

Waxa kale oo uu saddex gool ka dhaliyey tartanka FA Cup oo sidoo kale uu finalka heli doono fursad uu kasii badsan karo goolashiisa haddii uu taam u ahaado marka ay Manchester United is-helayaan.