Liverpool Oo Guushii SHANAAD Oo Xidhiidh Ah Gaadhay Oo Xummadda Ku Kordhisay Manchester United

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guushii shanaad oo xidhiidh ah kasoo hoysay horyalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka xoogeen Fulham oo marti ugu ahayd Anfield kulan uu Mohamed Salah go’aamiyey libinta kooxdiisa.

Gool rikoodhe ahaa oo qaybtii hore uu dhaliyey Mohamed Salah ayaa Liverpool siiyey guul ay ku rafaadeen oo ay kusii xoojisteen raacdada ay ugu jiraan afarta sare, iyaga oo xummadda kusii kordhiyey Mancheter United oo ay isku xigeen.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa uu nasiiibku la baxsaday dhamaadkii ciyaarta oo ay kubaddu diiday Fulham oo dhawr fursadood oo goolal noqon karayay heshay, waxaana u babbac-dhigay goolhaye Alisson Becker halka ay kuwo kalena goolka dul-mariyeen dhamadkii.

Salah 1

Liverpool oo qaybtii hore bandhig fiican samynaysay ayaa waxa caawiyey qalad uu Diop ku galay Nunez dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Mohamed Salah oo toogtay badhtamaha goolka.
Fulham ayaa daqiiqaddii labaad argagax gelisay Liverpool markii uu Wilson kubbad usii daayey Vinicius oo isaguna ula tegay goolhayaha oo uu Alisson ka badbaadiyey.

Laakiin Mohamed Salah ayaa kubbad uu dhinaca bidix kala soo galay waxa uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Alexander-Arnold oo waxyar dhinaca ka mariyey birta, ka hor intii aanu xiddiga reer Masar cirka ku tooganin kubbad loogu dhiibay meel bannaan oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ah.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa waxa dardar lasoo gashay Fulham oo ka shaqaynaysay garbaha, gaar ahaan dhinaca bidix ee uu ka ciyaarayay ruug-caddaaga Brazil ee Willian oo dhawr kubbadood oo halis ahaa goolka hortiisa keenay.

Salah 1111

Darwin Nunez ayaa lugta geliyey kubbad uu Tsimikas dhinaca bidix ka keenay oo halis badnayd, ka hor intii aanu Cody Gakpo oo beddel kusoo galay goolhaye Bernd Leno ula tegin kubbad dhinaca midig ka xigtay goolka oo uu goolhayaha reer Germany lugta ku difaacay.

Alisson Becker ayaa waqtiga ciyaarta oo dhow waxa uu badbaadiyey kubbad uu kasoo shaqeeyey Willian oo uu goolka hor dhigay Vinicius oo lugta bidix ku toogtay, balse Alisson oo kusoo baxay ayaa gacanta midig ka tiigsaday oo koorne u saaray.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay soo gashay kaalinta shanaad oo ay shan dhibcood u jirto Manchester United oo booska kaalinta afraad kaga jirta horyaalka Premier League.