Lionel Messi Iyo Carruurtiisa Oo Ka Degay Sucuudiga Kaddib Guul-darradii PSG Ee Xalay

0
138

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo ay wehelinayaan xaaskiisa iyo carruurtiisa ayaa u duulay waddanka Sucuudiga, waxaana gacmo furan kusoo dhaweeyey wasiir ka tirsan dawladda dalkaas xilli ay soo kordhayaan wararka laacibkan ku xidhiidhinaya inuu u wareegayo Bariga dhexe.

Halyeyga Barcelona ayaa Isniintii maanta wada uu ka degay magaalada Riyad ee waddanka Sucuudiga oo uu safar kooban oo daliix ah kula qaadan doono qoyskiisa.

PSG ayaa u ogolaatay Lionel Messi in uu tago waddanka Sucuudiga, waxyar kaddib markii ay Lorient bahdilaad 3-1 ah u geysatay PSG oo hadda shaki laga geliyey ku guuleysigooda horyaalka Ligue 1.

Tababarkii ciyaartoyda PSG ee maanta ayuu Lionel Messi ka maqnaaday iyadoo xiddigaha naadigiisu ay niyad-jab skula soo laabteen.

35 jirkan ayaa dib ugu soo laaban doona Faransiiska maalinta Salaasada, waxaana la filayaa in Arbacada uu tababarka kula biiri doono ciyaartoyda kooxdiisa si uu diyaar ugu noqon karo kulnka Axadda ee Troyes.

Waxa uu wasiirka ciyaaraha oo lagu magacaabo Ahmed Al Khateeb uu qoraalkiisa raaciyey sawir uu kula jiro Lionel Messi, xaaskiisa Antonella iyo laba ka mid ah carruurtooda.