
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa xajisan kari weyday guul ay waqti hore gacanta u geliyeen Jadon Sancho iyo Marcus Rashford, waxaanay ogolaatay inay dhibcaha qaybsadaan Tottenham oo waqti dambe kaga dab timid hoygeeda oo ay ku kala baxeen 2-2.
Tottenham ayaa u dabbaal-degtay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay 11 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana uu si fiican u dhamaystiray kubbad uu Harry Kane kasoo qaaday dhinaca midig oo uu u hordhigay difaacyahannada United.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 ay labada kooxood ku wadaageen dhibcaha, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Manchester United ay ku jirto kaalinta afraad oo ay ku haysato 60 dhibcood, halka Tottenham ay kusoo laabatay oo ay 54 dhibcood leedahay, waxaanay farqiga goolasha kaga horreysaa Aston Villa oo ay isku dhibco yihiin.