Miyaa Bayern Munich Durba Laga Caydhinayaa Thomas Tuchel Oo Qaab Xun Ku Bilawday?

0
77

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa daboolka ka qaaday aragtida maamulka Bayern Munich ee tababarahooda Thomas Tuchel oo aan qaabkii ugu fiicnaa ku bilaaban nolosha kooxdaasi oo dhawaan loo magacaabay.

Thomas ayaa toddoba kulan oo uu kooxdaas hoggaamiyay durba saddex jeer laga badiyay waana tiro lamid ah guuldarrooyinka tababarihii uu bedelay ee Julian Nagelsmann ku gaadhay 37 kulan xilli ciyaareedkan.

Fabrizio Romano ayaa haatan warinaya in waxkasta oo dhaca ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka aysan Bayern caydhin doonin Tuchel isla markaana isaga lala qorshaynayo dhaq-dhaqaaqa suuqa xagaaga soo socda.

Bayern ayaa muhiimada koowaad siin doonta saxeexa weeraryahan dhexe oo goolal badan loogu tashan karo maadaama oo aysan wali bedelin Robert Lewandowski oo xagaagii hore kaga biiray Barcelona.

Bavaria ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa laba dhaliye oo kala ah Harry Kane oo Tottenham ka tirsan iyo Victor Osimahen oo xilli ciyaareed cajiib ah la qaadanaya Napoli.

Bayern ayaa toddobaadkan guuldarro 3-1 ah kala soo kulantay dhigeeda Mainz taas oo la macno ah inay hoggaanka Bundesliga u waayeen Borussia Dortmund.

Image