Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul raaxo leh ka gaadhay Celta Vigo oo mart ugu ahayd Santiago Bernabeu, waxaanay ku garaaceen 2-0 iyaga oo soo yareeyay farqiga dhibcaha ay Barcelona kaga hayso hogganka horyaalka LaLiga.
Laba gool oo labadii qaybood ay kala dhaliyeen Marco Asensio iyo Eder Militao ayaa Real Madrid siiyey guul ay iyaga oo deggen oo aanu culays badan saarnayn ay ka gaadheen kooxda martida u ahayd ee Celta Vigo oo ku dhibaatootay inay iska caabbido weerarka Los Blancos iyo khadka dhexe ee uu Carlo Ancelotti firfircoonida geliyey.
Real Madrid oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa iska lumisay fursado badan qaybtii hore, laakiin waxay ku dhibaatootay inay abuurto fursado ay goolal ku dhalin karayaan xiddigaheedu waxaanay kaliya goolka toogteen hal mar.
Marco Asensio ayaa uu ahaa xiddiga Los Blancos u dhiibay hoggaanka ee toogashada kaliya ee ay sameeyeen goolka u beddelay, halka Celta Vigo oo ku hafatay garoonku aanay xataa hal mar halis gelinin qaybtii hore.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Real Madrid heshay gool degdeg ah, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Eder Militao oo madax awood badan ku qabtay kubbad uu Marco Asensio kasoo dhigay dhinaca oo uu xerada ganaaxa ka helay.
Goolhayaha Celta Vigo ee Ivan Villar ayaa dhawr kubbadood badbaadiyey qaybtii labaad oo ay Karim Benzema iyo Vinicius Junior goolal raadinayeen, halka Aspas uu waqti dambe oo ay ciyaartu sii dhamaanaysay uu goolhaye Thibaut Courtois u diiday fursad uu helay.
Guushan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hadda siddeed dhibcood ka dambayso Barcelona oo Axadda la ciyaaraysa Atletico Madrid, waxaana haddii ay kooxda tababare Xavi dhibco lumiso ay Los Blancos dib u heli doonaa rajdii ay dhigtay ee ahayd inay ku tartanto horyaalka.
Ancelotti ayay kooxdiisu Salaasada safar ugu tegi doontaa Girona, halka Celta Vigo oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey oo horyaalka kaga jirta kaalinta 12aad ay qaabbili doonto Elche.