Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 2-0 ku garaacday Chelsea lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, kulan ay Blues ku dhamaysatay toban ciyaartoy oo waqti hore casaan toos ah lagaga saaray difaaca reer England ee Ben Chilwell.
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Marco Asensio ayaa Real Madrid siiyey guul weyn oo ay la tegi doonaan Stamford Bridge Salaasada toddobadka dambe.
Ciyaarta oo ay inta badan maamulaysay Real Madrid ayaa waxa si fiican ku bilaabatay Chelsea oo tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey fursado badan samaysay, laakiin intaa wixii ka dambeeyey waxay kubaddu gacanta u gashay Real Madrid, balse fursadahoodii badnaa waxa badbaadiyey goolhaye Kepa Arrizabalga oo haddii aanu joogi lahayn ay Blues dhib atoon lahayd.
Dani Carvajal ayaa khadka dhexe kasoo tuuray kubaddaas, waxaana lugta geliyey Vinicius oo uga hormaray difaaca Chelsea ka hor intii aanu Kepa soo badbaadin.
Labada kooxoodba fursado ayay heleen qaybta hore, laakiin Real Madrid ayay ahayd inay shabaqa soo taabtaan Federico Valverde iyo Karim Benzema oo helay fursad kale oo fiican, halka Rodrygo, Alaba iyo Vinicius uu nasiibku diiday.
Chelsea ayaa noqotay toban ciyaartoy daqiiqaddii 59aad, waxaana casaan toos ah lagu saaray Ben Chilwell oo qabsaday Rodrygo Goes oo kubbad difaaca loo dhaafiyey kula baxay goolka, balse ka hor intii aanu gelin xerada ganaaxa uu Chilwell soo qabtaday, dhulkana ku tuuray.
Marco Asensio ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu goolka labaad ugu dhaliyo kooxdiisa. Afar daqiiqadood oo kaliya markii uu ku jiray garoonka ayaa uu kubbad ka helay Vinicius Junior, waxaana uu goolka kaga toogtay bannaanka, iyadoo kubadda oo dhulka socotaana shabaqa gaadhay.
Karim Benzema iyo Kai Havertz ayaa fursado fiican iska khasaariyey daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta, waxaanay labada kooxood ku kala baxeen 2-0 ay guushu ku raacday Real Madrid.
Salaasada ayay lugta labaad ee Chelsea iyo Real Madrid ka dhici doontaa garoonka Stamford Bridge, waxaanay shaqo badan u taallaa Blues oo laga doonayo inay iskasoo beddelo labada gool, isla markaana guul raadiso, halka Real Madrid ay u bannaan tahay inya goolkooda ilaashadaan iyo inay guul raadiyaan.
Dhinaca kale, AC Milan ayaa guul 1-0 ah ka gaadhay Napoli lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League kulan ka dhacay San Siro Stadium oo lagu kala baxay gool uu qaybtii hore dhaliyey Ismail Bennacer.
Napoli ayaa tebaysay xiddiga reer Nigeria ee Osimhem oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ku maqnaa dhaawac, waxayse Napoli rajaynaysaa in uu usoo laaban doono lugta labaad ee ka dhici doonta Diego Maradona Stadium toddobaadka dambe.