Barcelona Oo Iska Lumisay Fursad Ay 15 Dhibcood Ku Qaban Lahayd Hoggaanka Horyaalka LaLiga

0
128

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay ugu sii dhowaan lahayd ku guuleysiga horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay 15 dhibcood oo nadiif ah hoggaanka ku qaban lahayd, waxaana la degtay naadiga ay isku gobolka yihiin ee Girona oo ku celisay barbarro goolal la’aan ah.

Barcelona oo guulo xidhiidh ah kasoo hoynaysay horyaalka LaLiga markii ay macasalaameeyeen tartamada kale oo dhan, ayaa waxay ogolaatay in garoonkeeda Camp Nou ay dhibic kala tagto Girona oo u dhowaatay inay gool iska dhaliso waqti horeba.

Xiddigaha waaweyn ee Barcelona ayaa fursado fiican oo ay heleen ka faa’iidaysan waayey iyadoo Ronald Araujo uu nasiibku diiday oo kubbad uu goolka ku leexiyey uu soo celiyey goolhaye Gazzaniga ka hor intii aanay xariiqda si buuxda uga gudbin.

barca Girona

Tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay Barcelona isku diyaarisay inay u dabbaal-degto kubbad uu difaaca Girona isku dayayey inuu goolhayihiisa la ciyaaro laakiin uu si qaldan goolkiisa ugu toogtay, balse Gazzaniga ayaa ka daba cararay oo isku tuuray, isla markaana koorne u saaray kubaddaas.
Waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayaa koorne dhinaca midig laga soo qaaday waxa lugta midig kusii raaciyey Araujo, waxaana kubaddaas oo ay ciyaartoyda Barcelona ku doodeen inay gool tahay laga soo qabtay iyadoo kasii gudbaysa xariiqda.

Muuqaallada dhinacyada ee kaamirooyinka ayay qaarkood shaki gelinayeen in uu goolkaasi dhashay, balse saacadda goolka ayaan qaylinin, sidoo kalena looma baahanin in VAR laga soo hubiyo.

Gavi oo dersin ciyaartooyo ah kubadda la dhaafay ayaa xerada ganaaxa bannaankeeda ka toogtay goolka, waxaanay ku dhacday ciyaartoy kale. Fursad fiican oo gool noqon lahayd ayay ahayd haddii uu u dhiibi lahaa Lewandowski oo meel bannaan taagnaa.

Raphinha ma aysan ahayn habeenkiisii sababtoo ah kubbad uu dhinaca midig kala soo galay oo uu ku toogtay goolka ayaa birta soo qaniintay, waanay hormartay goolka.

Fursaddii ugu fiicnayd ciyaartu waxay soo martay Girona oo kubbad ay ciyaartoydeedu goolka kula baxeen ay birta dhinac mariyeen.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay 13 dhibcood oo nadiif ah ka horreyso Real Madrid oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka LaLiga isla maarkaana garoonkeeda Santiago Bernabeu ay ku garaacday Villarreal oo marti u ahayd.