Tababbar la xiriira maaraynta iyo mideynta xogta HIV-AIDS oo Dhuusamareeb ka furmay.

0
94

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr Cabdiweli Cabdullahi Jaamac oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb tababarka Maaraynta iyo Midaynta Xogta HIV-ga.

Tababarkan oo socon doona mudo 4 bari ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa bixinta tababar la xariira maaraynta iyo midaynta xogta cudurka dilaaga ah ee HIV kaas oo loo qabanayo Shaqaalaha Kashaqeeyo Mashruucan oo ka kala yimid maamul Gobaleedyada dalka iyo Dawladda Federal-ka Soomaaliya.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa