Chelsea Iyo Liverpool Oo Isla Degay Kulan Si Aad Ah Loogu Xafiiltamay Oo Ay VAR La Baxsatay Jurgen Klopp

0
83

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa dhibcaha ku qaybsaday kulan aad loogu dagaallamay oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge oo labadooduba ay isla dageen, kaas oo fursado badan ay iska lumisay kooxda groonkeeda joogtay ee Blues oo laba goolna laga diiday.

Kulankan oo qaybtii hore ay si weyn u maamulaysay Chelsea oo tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey iska lumisay ku dhowaad saddex gool oo caddaan ah, ayaa waxay noqotay ciyaartii labaad ee xilli ciyaareedkan ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen.

Daqiiqaddii saddexaad ayuu Joao Felix kubadda u gooyey dersin ciyaartooyo ah oo uu ula tegay Alisson Becker, waxaase ka badbaadiyey Joel Matip ka hor intii aanu mar labaad xiddiga reer Portugal lumin kubbad kale oo dahabi ahayd.

Kai

Weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz ayaa kubbad goolka  loo hordhigay waxa uu ku beegay Alisson oo isasoo tuuray isla markaana is-ballaadhiyey.

Liverpool ayaa fursadaheeda heshay dhamaadka qaybta hore oo uu Joe Gomez darbad xooggan ku toogtay goolka, waxaana si dhib badan ku badbaadiyey Kepa, halka Fabinho uu Fofana ku dhuftay kubbad uu xerada ganaaxa ka helay.

Joao Felix ayaa shabaqa soo taabtay qaybtii hore markii uu kubbad ka helay Fernandez, laakiin waxa lagu qaaday offside markii uu dabbaal-degga isku diyaariyey.

Qaybta labaad ayay sidoo kale Chelsea ku bilaabatay si xooggan iyo weerar aan kala joogsi lahayn ka hor intii aanay kululaanin ciyaartoyda Liverpool oo u muuqanayay inay hurdo kasoo toosayeen bilowga labada qayboodba.

Kai Havertz ayaa gool u dhaliyey Chelsea daqiiqaddii 49aad, isaga oo kubbad uu ka helay Kante uu kala dheereeyey labada difaac waxayse kaga dhacday goolhayaha oo shafka ku celiyey, laakiin Kai Havertz ayaa kubadda mar kale dhinaca goolka ku celiyey oo shabaqa ku hubsaday.

Konate

Chelsea ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay goolkan laakiin farxaddoodu ma aanay sii waarin iyadoo VAR oo laga soo hubiyey goolkan ay xaqiijisay in Havertz uu gacan u adeegsaday dhalinta goolkaas.

Mateo Kovacic ayaa uu nasiibku diiday oo dhawr fursadood khasaariyey, halka Felix uu ahaa xiddiga nasiib-darradu ku dhacday ee dhawrka jeer kubadda la seegay goolka.

Liverpool ayaa ku faraxsanayd inay dhibic kasoo hesho Stamford Bridge, sababtoo ah waa laga fursado badnaa, waxaanay u ahayd ciyaartii afraad ee xidhiidh ah ee ay guul la’aan yihiin. Manchester City, Real Madrid iyo Fulham ayaa soo garaacay saddexdii kulan ee hore.

Chelsea ayaa sidoo kale dhibic xoogsatay, awoodina weyday inay tibta guulaha kula soo laabato tababaraheeda cusub ee ku-meelgaadhka ee beddelay Graham Potter oo la eryay Axaddii.