Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Thomas Tuchel ayaa qirtay in aanu wax waano ama talo ah siin doonin Julian Nagelsmann haddii uu ogolaado inuu tago Chelsea oo si weyn loola xidhiidhinayo, isla markaana la sheegayo in uu yahay dookha koowaad ee Todd Boehly.
Thomas Tuchel oo isagana toddobaadkii hore loo magacaabay Bayern Munich oo uu ka beddelay Julian Nagelsmann oo la eryey isaga oo fasax ku maqan, ayaa waxa la weydiiyey in uu la socdo warka kasoo yeedhay kooxdiisii hore ee Chelsea, waxaana uu ku jawaabay: “Xalay ayaan maqlay warka [eriga Potter]. Waa waqti xun marka aan u eego magacaabistayda halkan.
“Anigu muddo ayaan naftayda ka fogeynayay Chelsea. Run ahaantii waan ku raaxaysanayey shaqadii aan ka qabtay halkaas [Chelsea], waxaanan ku yeeshay saaxiibbo wanaagsan, laakiin kooxda ayaa wax badan beddelay, markaa way ii fududdahay in aan iskaga fogaado, wax dareen ahna iguma laha [eriga iyo waxa ka dhacaya Chelsea].”