FC Barcelona Oo Doonaysa Inuu Is-casilo Madaxweynaha Horyalka LaLiga Ee Javier Tebas.

0
149

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka dalbatay Madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga ee Javier Tebas inuu iscasilo, iyaga oo ku eedeeyey in aanu ahayn shaqsi u qalma xilka uu hayo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayaa waxay ku sheegtay, in Javier Tebas uu yahay madaxweyne aan shaqadiisa siday ahayd u gudanayn oo mar walba ka xaglinaya, xilli la sheegay in Javier Tebas uu si cad u garab siinayo xeer ilaalinta Spain ee dacwadda ku oogeysa Barcelona oo ku eedaysan inay lacago siisay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee garsooreyaasha Spain ee Jose Maria Enriquez Negreira.
Waxay Barcelona ku tilmaantay Javier Tebas in uu meel kaga dhacay sharaftii iyo xushmaddii madaxweynenimada horyaalka LaLiga oo uu dhulka la galay, isla markaana uu eedaymo iyo caddaymo been-abuur ah oo uu dembi uga dhigayo kooxdooda uu la wadaagayo xeer ilaalinta.

“Arrintan daraadeed, waxa aanu uga baahanahay Madaxweynaha LaLiga inuu si degdeg ah warbaahinta u hor yimaaddo oo uu sharraxaad ka bixiyo qoraalka uu saaka daabacay.” Ayay Barcelona ku tidhi war-saxaafadeedkeeda iyadoo xustay in uu hadalkaasi been-abuur cad ahaa.

“Waxa uu meel kaga dhacay sharaftii iyo xushmaddii madaxweynenimada LaLiga, Mr. Tebas waa inuu iska casilo xilkaas.” Ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka.

Arrinta weyn ee ay ka cadhaysan tahay Barcelona ayaa ah in Javier Tebas uu ku garab siinayo xeer ilaalinta baadhitaankooda la xidhiidha lacag ay kooxdu siisay Negreira oo caddadkeedu dhamaa $7 milyan oo dollarka Maraykanka ah.