Arsenal Oo Silic Ay Marsiisay Leeds United Kaga Baxsatay Manchester City.

0
121

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 4-1 ku burburisay Leeds United oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, waxaanay mar kale ka baxsadeen Manchester City oo kusoo dhowaatay gellinkii dambe ee maanta markii ay Liverpool ku karbaashtay Etihad Stadium.

Gabriel Jesus ayaa kooxdiisa Arsenal ku hoggaamiyey guushan weyn kaddib markii uu laba jeer shabaqa soo taabtay labadii qaybood ee ciyaarta, sidoo kalena uu qayb ka qaatay goolsha kale ee ay kooxdiisu dhalisay.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa rikoodhe loo dhigay qaybtii hore markii uu Luke Ayling ku riday xerada ganaaxa dhaxdeeda, waxaana uu si xarrago leh rikoodhahaas ugu beddelay gool isaga oo goolhayaha u diray dhinaca kale.

Jesus

Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ka badbaadday khatar bilowgii ciyaarta la geliyey oo darbad xooggan oo lagu toogtay uu goolhaye Aaron Ramsdale ka joojiyey, halka waqtiyadii dambena uu dhawr jeer goolyaha reer England muujiyey in uu u qalmayo lacagtii ay Arsenal kasoo bixisay laba sannadood ka hor.

Jesus 1

Gabriel Jesus ayaa sii dheereeyey hoggaanka kooxdiisa. Kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday ayuu dhinaca midig ugu tuuray Leandro Trossard oo isaguna goolka hortiisa soo dhigay, waxaana isku tuuray Jesus oo sidaas ciyaarta kaga dhigay 3-0.

Leeds United ayaa diidday inay goolal la’aan ka baxdo garoonka, waxaanay la timid gool madi ah oo ay wax kale ku kordhin kari wayeen oo uu u saxeexay Rasmus Kristensen.

Dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Arsenal la timid gool kale oo afraad oo uu u saxeexay Granit Xhaka oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay Martin Odegaard.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Arsenal oo sidoo kalena hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay 72 dhibcood halka Arsenal oo siddeed dhibcood ka dambaysaa  ay haysato 64 dhibcood.