HORDHAC: Chelsea v Aston Villa – Potter v Emery – Blues Oo Imtaxaan Maraya, Dhaawacyada & Xogaha Kulanka.

0
93

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea oo doonaysa inay sii dheeraysato tirada kulamada xidhiidhka ah ee ay guuldarro la’aanta tahay ayaa maanta Stamford Bridge kusoo dhawaynaysa kooxda macalin Unai Emery hormoodka u yahay ee Aston Villa.

Arrin kulankan sii adkaynaysa ayaa ah in labada kooxoodba min 38 dhibcood wadaagaan iyadoo kooxda guul gaadhaa dhaafi karto Fulham oo booska sagaalaad hal dhibic kaga haysa.

Wararka Labada Kooxood

Chelsea waxa hubaal ka maqnaan doona Thiago Silva iyo Armando Broja balse dhammaan xiddigaha kale ee ka dhaawacan ayaa qiimayn xilli dambe ah lagu samayn doonaa taam ahaanshahooda kulankan.

Xiddigaha kulankan kahor la qiimayn doono ayaa kala ah Edouard Mendy, Reece James, Wesley Fofana, Cesar Azpilicueta, Mason Mount, Raheem Sterling, Kai Havertz iyo Pierre-Emerick Aubameyang.
Benoit Badiashile ayaa saddex daafac dhexe la dheeli kara Marc Cucurella iyo Koulibaly, James ayaa haddii uu taam noqdo garabka daafac ee weerarka raacsan kusoo bilaabanaya halka Benjamin Chilwell xaga kale ciyaarayo.

Enzo iyo Kovacic ayaa markale khadka dhexe kusoo wada bilaaban kara bedelka N’Golo Kante halka la filayo inay weeerarka ciyaaraan Joao Felix, Mudry iyo Havertz.

Aston Villa dhinaceeda waxa ka dhaawacan Jed Steer, Matty Cash iyo Philippe Coutinho balse waxa usoo kabtay Leander Dendoncker iyo Boubacar Kamara.

Shaxaha Macquulka Ah
Chelsea (3-4-2-1): Kepa; Badiashile, Koulibaly, Cucurella; James, Enzo Fernandez, Kovacic, Chilwell; Felix, Havertz, Mudryk

Aston Villa (4-2-3-1): Martinez; Young, Konsa, Mings, Moreno; McGinn, Luiz; Bailey, Buendia, Ramsey; Watkins

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Andrew Madley