Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda uu gadh-wadeenka ka yahay tababare Graham Potter ee Chelsea ayaa caawa gegida Stamford Bridge ku qaabilaysa dhigeeda ree Germany ee Borussia Dortmund.
Horyaaladooda labada kooxood ayaa xaalado kala fog ku jira, Chelsea ayaa tobnaad ka fadhida Premier League halka BVB ay hoggaanka Bundesliga la wadaagto Bayern Munich.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Warka u wanaagsan Potter ayaa ah in daafaca midig ee Reece James tababarka kusoo laabtay isagoo wax weyn ku kordhin kara weerarka kooxdu goolasha ku raadinayso.
Dhinaca tababare Edin Terzic waxa liiska maqnaanshaha kaga biiray Julian Ryerson oo ganaaxan waxaana intaas u dheer oo dhaawacyo qaba Gregor Kobel, Mateu Morey, Abdoulaye Kamara, Julien Duranville, Donyell Malen iyo Karim Adeyemi.
Kabtan Marco Reus, Haller iyo Brandt ayaa la filayaa inay weerarka Dortmund kusoo wada bilawdaan halka Jude Bellingham khadka dhexe kala ciyaari doono Ozcan iyo Can.
Chelsea (3-4-3): Kepa; Chalobah, Koulibaly, Fofana; James, Kovacic, Fernandez, Chilwell; Sterling, Havertz, Felix
Dortmund (4-3-3): Meyer; Wolf, Sule, Schlotterbeck, Guerreiro; Ozcan, Can, Bellingham; Brandt, Haller, Reus
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)