Barcelona Oo Santiago Bernabeu Ku Dubatay Real Madrid, Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka & Qiimeynta Ciyaartoyda

0
129

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa 1-0 ku garaacday Real Madrid lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey.

Kooxda martida loo ahaa ayaa si wacan ku bilaabatay kulanka El Clasico laakiin kooxda Xavi ayaa aheyd kuwa goolka dhaliyay iyadoo uu gool iska dhaliyay Eder Militao.

Darbo uu Franck Kessie ku tuuray goolka ayaa waxaa badbaadiyay goolhaye Thibaut Courtois laakiin kubadii soo laabatay waxay ku dhacday daafaca reer Brazil ka hor inta aysan ku nasanin shabaqa.

Real Madrid ayaa si adag isagu dayday inay barbareyso ciyaarta qeybteedii labaad laakiin waxay ku dhibtoodeen inay fursado fiican abuuraan iyadoo Barcelona ay si fiican kubada u difaacatay.

Barca waxay xadiday weerarka Real Madrid madaama ay difaac galeen qeybtii labaad ee ciyaarta.

Fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii labaad waxaa heshay Barcelona markii Kessie nasiibka saacidi waayay madaama darbadiisii goolka ku socotay uu celiyay saaxiibkiisa Ansu Fati.

Lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey waxay ka dhici doontaa Nou Camp 5ta bisha April iyadoo guuleystaha ay finalka la ciyaari doonaan midkood Osasuna ama Athletic Bilbao.

XIDDIGA GAROONKA – RONALD ARAUJO

Ronald Araujo waxa uu ahaa mid wacdarro dhigay isagoo marna ahaa daafac midig marna daafac dhexe. Awood ayuu u sheeganayay Vinicius Jr, mana uusan u ogolaanin inuu xiddiga tayada leh ee reer Brazil uu aragiisa ka baxo. Dhamaadkii ciyaarta, wuxuu fariisin ka dhigtay goolka hortiisa isagoo kubada badan madax ku soo saaray.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Real Madrid: Courtois 5, Carvajal 5, Militao 4, Rudiger 7, Nacho 5, Camavinga 4, Kroos 5, Modric 6, Valverde 5, Vinicius 6, Benzema 6.

Barcelona: Ter Stegen 8, Araujo 8, Kounde 8, Alonso 7, Balde 6, Busquets 5, Kessie 7, De Jong 6, Gavi 6, Raphinha 6, Torres 7.