Barcelona Oo Guul-darradii Labaad Ee Xidhiidh Ah Loo Xambaariyey Kaddib Naxdintii Man United.

0
136

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Almeria oo khadka cas kaga soo baxday saddex dhibcood oo ay ka xoogtay Blaugrana kulan uu tababare Xavi Hernandez kaadh qaatay.

Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay kusii dheeraysan lahayd hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga oo ay toban dhibcood oo nadiif ah ka horreyn lahayd, hase yeeshee gool uu qaybtii hore ka dhaliyey El Bilal Toure ayaa musiibo ku noqday oo ay iska soo bedi waayeen.

Ciyaarta oo ay inteeda badan maamulaysay Barcelona oo ay heshay fursado tiro badan, ayay sidoo kale ku sigteen in dhamaadkee gool kale loo raaciyo, hase yeeshee waxa la baxsaday goolhaye Ter Stegen oo kubbad kalidii loola tegay badbadiyey.

45kii daqiiqadood ee hore ee ciyaarta ayay Barcelona ogolaatay in ay Almeria siday doonto u ciyaarto, waxaana layaab ahayd in difaaceedu uu furnaa oo ay ogolaadeen in El Bilal Toure uu goolka guul-darrada u keenay uu ka dhaliyo daqiiqaddii 24aad.

Torre

Afka hore ee weerarka ee ay ku xoogganaayeen ayaa Barcelona  qaybtii hore ka burbursanaa inkasta oo ay ciyaarayeen Lewandowski, Ferran Torres iyo Gavi, waxaanay awoodi waayeen in ay xataa hal gool ku aaddiyaan goolka inkasta oo ay marar badan kubadda lasoo galeen xerada ganaax.

Raphinha oo beddel kusoo galay ayaa sameeyey dhawr fursadood oo fiican balse kubbad uu madax ku qabtay ayuu birta dul-mariyey.

Robert Lewandowski ayaa kubbad loo dhaafiyey difaacyahannada waxa ka  qabtay goolhaye Fernando Martinez oo laf-dhuungashay ku noqday balse waxa lagu qaaday offside caddaan ah isaga oo xataa kubadda laga joojiyey.

Difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu lumiyey fursad fiican oo uu kooxdiisa guul-darro kaga badbaadin lahaa halka goolhaye Ter Stegen uu isaguna dhibaato badan la kulmay oo uu kubbado badan badbaadiyey.

Embarka aya soo burburiyey khadka dhexe ee Barcelona, waxaana uu kubbad u dhiibay Costa oo isaguna ku toogtay goolka, balse goolhaye Ter Stegen ayaa isku kala bixiyey oo ka badbaadiyey.

Guul-darradan lama filaanka ku noqotay Barcelona ayaa waxay ka dhigan tahay in kooxda reer Catalonia ay haysato 59 dhibcood, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.