CHAMPIONS: Manchester United Oo Ku Guuleysatay Carabao Cup.

0
142

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey muddo lix sannadood ah, iyaga oo finalka Carabao Cup ku garaacay Newcastle United oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1955kii.

Erik ten Hag ayaa ku hoggaamiyey Manchester United koobkeedii ugu horreeyey tan iyo 2017kii, waxaanay 2-0 ku garaaceen Newcastle United kulan ay Casemiro iyo Marcus Rashford isku qoreen diiwaanka goolasha.

Bilowgii ciyaarta ayay labada kooxood si adag ugu loollameen khadka dhexe iyadoo dagaalkiina ay ku guuleysatay Manchester United oo xiddigaheeda Casemiro, Fred iyo Bruno Fernandes ay la khibrad ciyaareen xiddigaha xoogga ku dheela ee Newcastle.

Rashford gool 1

Casemiro ayaa karoos heersare ah kasoo dhiibay dhinaca, waxaana uu lugta u saaray Fred oo isaguna dib ugu soo celiyey Weghorst oo ku toogtay goolka, balse waxa badbaadiyey goolkaye Karius oo isku tuuray kubadda oo dhulka socotay, ka hor intii aanu David de Gea kubbd dheer u tuurin Marcus Rashford oo isaguna usii gudbiyey Antony oo darbad xooggan ku toogtay waxaase mar kale badbaadiyey goolhaye Karius.
Saint-Maximin ayaa burburiyey Diogo Dalot waxaanu kubbadda soo hormariyey goolka oo uu lugta la tiigsaday Longstaff waxaase diyaar usii ahaa David de Gea oo labada gacmood ku joojiyey kubaddaas.

Case

Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 33aad. Casemiro ayaa madax ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu soo laaday Luke Shaw, taas oo uu garsooruhu markiiba ansixiyey.

VAR ayaa shaki gelisay goolkan iyadoo lagu tuhmay offside, hase yeeshee waa la fasaxay markii ay soo baxday in Casemiro uu la sinnaa difaacyahannada Newcastle.

Casemiro o

Shan daqoiiqadood kaddib ayay Manchester United hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana kubbad isku qabtay difaaca Newcastle ee Sven Botman oo isku dayayey inuu joojiyo kubbad uu Marcus Rashford goolka la hortegay.

Kubbad uu Casemiro khadka dhexe ka farsameeyey ayuu u dhiibay Weghorst oo isaguna difacyahannada u dhaafiyey Marcus Rashford oo goolka ku toogtay, waxayse kusii dhacday Sven Botman oo goolhaye Karius ka dallacay kubadda.

Botman ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee abid finalka Carabao Cup iska dhaliya gool,  waxaana ka horreeyey Roger Kenyon oo 1977 isku qabtay kubbad, Gordon Chisholm oo1985kii sidaas oo kale sameeyey iyo Steven Gerrard oo 2005 goolkiisa ku leexiyey kubbad uu isku dayayey inuu difaaco.

Rashford gool 1

Burns ayaa madax awood badan dul-mariyey goolka Manchester United markii uu helay kubbad uu Trippier dhinaca midig kasoo qaaday, hase yeeshee weerar degdeg ah ayay Manchester United kaga jawaabtay waxaana kubbad awood badan bannaanka ka toogtay Antony iyadoo uu goolhaye Karius sameeyey badbaadintii ugu fiicnayd ciyaarta.

Eddie Howe ayaa isbeddelo uu sameeyey qaybtii labaad waxay sare usoo qaadeen weerarka kooxdiisa, iyadoo Saint-Maximin oo markii hore kalidii ay iskugu tegayeen difaaca Manchester United uu helay Alexander Isak oo culayska ka fududayiyey. Laakiin Erik ten Hag ayaa isaguna soo geliyey Aaron Wan-Bissaka oo ay xakameeyey dhaqdhaqaaqii badnaa ee weeraryahanka reer France.

Wan-Bissaka ayaa kubbad ka boobay dhexda Newcastle, waxaanu u dhiibay Rashford oo isaguna u dhiibay Antony, waxaase difaacay Botman.

Fred ayaa badbaadiyey kubbad halis badnayd oo uu Joelington ku toogtay goolkiisa, taas oo muddo ku dhax wareegtay difaaca United oo ay iska saari kari waayeen.

Rashford ayaa isku dayay inuu helo gool magaciisu ku qoran yahay daqiiqadii 76aad, waxaana uu darbad xooggan ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Karius, waxaase goolka u diiday goolhayaha reer Germany oo isku tuuray kubbad awood badnayd oo dhulka socotay.

Marphy

Murphy ayaa dhamaadkii ciyaarta darbad xooggan ku toogtay goolka United waxayse waxyar dhinaca midig ka martay birta.

Bruno Fernandes ayaa goolka la hortegay kubbad uu difaaca u jaray oo aanay cidina haynin, waxaase shabaqiisa uga dhaartay Karius. Fernandes ayaa haddii uu kubaddaas u dhiibi lahaa waxa meel cidlo ah taagnaa lab ciyaartoy oo kooxdiisa ah.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester United oo sidaa ugu guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2017.