Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa barbaro niyadjab ah kala kulantay Cyrstal Palace oo marti loogu ahaa Selhurst Park iyagoo ku kala baxay 0-0, waxayna natiijadaan dhaawac u geysatay rajadii Liverpool ee kaalinta afaraad.
Reds ayaa ciyaar aan la jecleysanin ku soo bandhigtay garoon ay ku badiyeen dhamaan kulamadii ay ku ciyaareen intii uu Klopp tababare u ahaa, laakiin caawa waa ay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan iyagoo soo bandhigay ciyaar liidata.
Barbarahaan ayaa imaanaya maalmo ka dib xasuuqii Champions League ee ay kala kulmeen kooxda Real Madrid. Waxayna haatan lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham inkastoo Reds uu kulan u harsan yahay marka Spurs loo eego.
Liverpool ayaa dhanka daafaca aad uga liidatay qeybtii hore ee ciyaarta, waxayna qarka u fuuleen inay goolal laga dhaliyo. Mateta ayaa birta u garaacay dhamaadkii qeybta hore isagoo helay fursad dahabi ah halka Guehi uu isna kubad madax aheyd oo gool loo fishay uu hareer mariyay birta goolka.
Dhanka Liverpool Jota ayaa isna xagal adag birta ku garaacay halka Salah uu helay labo fursadood laakiin kooxda martida aheyd ma soo bandhigin qeybtii hore ciyaar la jecleystay. Waxaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Afar daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Liverpool ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kubad uu soo dhigay Alexander-Arnold uu birta ku garaacay Mohamed Salah.
Daqiiqado ka dib goolhaye Guita ayaa kubad karoos uu soo dhigay Alexander-Arnold oo halis aheyd badbaadiyay.
Daqiiqadii 81aad Liverpool waxaa soo martay fursad weyn markii Mohamed Salah uu kubad u dhex bixiyay Cody Gakpo, laakiin waxaa ku soo baxay goolhayaha Crystal Palace taasoo u diiday inuu shabaqa taabto isagoo kubada hareermariyay goolka.
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.