Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa ku soo laabatay inay labo dhibcood kaliya ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Arsenal ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen caawa kooxda Bournemouth oo marti loogu ahaa Vitality Stadium.
City ayaa hogaanka qabatay ciyaarta markii ay socotay 15 daqiiqo iyadoo Julian Alvarez uu shabaqa ku taabtay kubad uu birta ku garaacay Erling Haaland.
Man City ayaa hogaankeeda dheereysatay markii Nathan Ake uu garabka bidix kubad ugu dhigay Ilkay Gundogan kaasoo kubadii uu soo dhigay ay ku dhacday Foden ka hor inta uusan Haaland shabaqa ku taabanin.
Waxay aheyd goolkii 27aad ee uu Haaland dhaliyo xilli ciyaareedkan isagoo jabiyay rikoodhkii Sergio Aguero ee goolasha ugu badan ee Man City ee hal xilli ciyaareed oo Premier League ah. Xusuusnow weli xilli ciyaareedka wuu socdaa, halka Aguero uu hal xilli ciyaareed oo dhameystiran ku gaaray rikoodhka laga jabiyay maanta.
Guushaan ayaa la micno ah in Manchester City ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ka dib barbarihii ay kala kulmeen Premier League iyo Champions League todobaadkii la soo dhaafay.
Waxay weli labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal oo iyaguna maanta badiyay.