Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafacii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay guuleystaha abaalmarinta xiddiga sanadka ee Premier League oo toddobaadkii 25-aad lagu dhex jiro 13 wareegna hadheen.
Dabcan xiddiga ugu goolasha badan horyaalka haatan waa dhaliyaha Man City ee Erling Haaland balse Carragher ayaa qaba in Marcus Rashford oo Manchester United ka tirsani kaga guuleysan karo xiddiga sanadka Premier League.
Rashford oo xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ku jira ayaa 24 gool iyo 7 caawimo kasoo diiwaan-gashaday tartamada oo dhan halka Haaland uu 32 gool iyo 4 caawimo ilaa haatan usoo sameeyay Sky Blues.
Carragher ayaa qaba in toddobaadyada ka horreeya coddaynta abaalmarinta xiddiga sanadku ay muhiim yihiin ee aan cidina eegin xiddigii ugu fiicnaa horyaalka bilihii ugu horreeyay.
“Anigu hal il-bidhiqsi malihi Rashford waa weeraryahan ama ciyaaryahan ka sarreeya Haaland balse abaalmarinta xiddiga sanadka PFA gabigeedu wakhti ayay ku xidhan tahay” ayuu yidhi Carra oo Telegraph nuqul aragti ah ku qoray.
“Maadaama oo aan qol labis qayb kasoo noqday marka qaab ciyaareedka wanaagsani yimaado waxaan kuu sheegayaa inaan cidina ka fikirin cida uu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa September iyo October”.
“Waa lixda toddobaad ee coddaynta ka horreeya kuwa ugu muhiimsani sidaas darteed haddii Rashford ku hoggaamiyo Man United guul ay ka gaadho Newcastle kulanka Wembley ee Carabao Cup Final, waxa suurogal ah in wax ahaa 50-50 (Isaga iyo Haaland) uu dhinaciisa u bato”.