Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Sheegtay in ay bilaabeyso Todobadkan qaadista Canshuurta Sanad laha ee wado marista Gaadiidka.
Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Jubbaland Seynab Rashiid Cige oo shir Jaraa’iid ku qabtay xafiiskeeda ayaa fariin u dirtay Bulshada Jubbaland gaar ahaan Gadiidleyda taaso ay tilmaamtay in bilaabatay canshuurta Sanad laha ah ee wado marista Gaadiidleyda Jubbaland oo ay sanadkiiba ay mar qaado Dowlad Goboleedka Jubbaland waxayna codi u dirtay cid walba oo ay waajib ku tahay bixinta Canashuurta si dadka iyo Dalka loogu Horumariyo.
Xasan Maxamed Cabdullahi.ayaa ka warramaya