Erik Ten Hag Oo Si Cadaan Ah Uga Hadlay Haddii Man United Tartanka Horyaalka Premier League Ka Fikirayso.

0
103

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa si cad uga hadlay haddii kooxdiisu ka fikirayso horyaalka Premier League iyo loolankiisa kaddib guushii 3-0 ka ahayd ee ay Leicester City ka gaadhay xalay.

Man United ayaa hoggaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal shan dhibcood u jira halka ay saddex dhibcood ka dambeeyaan kooxda booska labaad ee Man City.

Red Devils ayaa shalay walow ay intii hore dhibtoodeen haddana ka adkaaday Foxes oo marti ugu ahaa Old Trafford kaddib goolal ka yimid Marcus Rashford oo la celin la’yahay iyo Jadon Sancho.

ETH oo ka hadlay kulanka kaddib arrimaha horyaalka ayaa sheegay inaysan kooxdiisu horyaal ka fikirayn ee ay kaliya ka fikirayso kulanka xiga.

“Anagu kama fikirno loolanka horyaalka, waxaanu ka fikirnaa kulanka xiga, Khamiistu (Kulanka Barcelona) kulan weyn ayuu noo noqonayaa anaga”.
“Waa inaanu dagaalanaa, waa in taageerayaashayadu Old Trafford ka dhigaan mid aan guul lagala noqon karin waana in qorshaha kulanku sax noqdaa”.

“Waanu ku faraxsanahay natiijada, waa natiijo weyn. Marka aad saddex maalmood oo kasta ciyaarto markasta bandhig isku mid ah ma samayn kartid”

Image