Real Madrid 4-0 Elche: Benzema oo dhigay Taariikh Cusub kana sara maray Xidiga Raul.

0
142

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Karim Benzema ayaa noqday gooldhaliyaha labaad ee Real Madrid abid ugu goolasha badan LaLiga iyada oo Los Blancos ay si fudud u dhaaftay kooxda ugu hoosaysa ee Elche oo ay ku badisay 4-0.

Labo Gool uu dhaliyay Benzema kuwaasi oo rigoore ahaa iyo labo gool ay ku dareen Marco Asensio iyo Luka Modrić ayaa Real Madrid ugu filnaa guusha kulankan

Benzema ayaa ka sara maray weeraryahankii hore ee Raul kadib markii uu goolashiisa horyaalka Spain ka dhigay 230 gool, kaliya Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 311 gool.

Iyadoo Barcelona ay Khamiista ciyaareyso Europa League, kooxda Carlo Ancelotti ayaa ka faa’ideysatay iyagoo soo xiray farqiga u dhexeeya hogaamiyayaasha horyaalka iyagoo ka dhigay sideed dhibcood.