Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka, Wiilkii Yaraa Ee Ciyaarta Qabsaday & Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Reds Garaacday Everton.

0
135

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wixii ay Liverpool mugdi iyo murugo ku jirto, waxay caawa soo bandhigeen qaab ciyaareedkoodii lagu yaqiinay ee raacashada, tamarta iyo orodka badan. Kubaddii Gegenpressing ee tababare Jurgen Klopp ayaa mar kale lagu arkay gegida Anfield.

Liverpool waxay 2-0 kaga talaabsatay deriskeeda Everton iyadoo Mohamed Salah uu ka baxay abaartii goolasha halka Cody Gakpo uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay tan iyo markii uu ku biiray Liverpool bishii Janaayo.

XIDDIGA GAROONKA:

Stefen Bajcetic(Liverpool) Da’ yarkaan ayaa kulankii caawa wacdarro dhigay isagoo muujiyay inuu yahay xiddiga mustaqbalka Liverpool. Wuxuu khadka dhexe u kala agaasimay si wanaagsan isagoo hormuud ka ahaa weerarka. Isagoo 18 sanno jir ah ayuu qabtay shaqadii Thiago Cantara iyo ka badan.

Inkastoo da’ yarkaan uu qaatay abaalmarinta xiddiga garoonka, waxaa isna mudnaa Darwin Nunez kaasoo garabka bidix ee weerarka ku soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa. Kubadiisii rogaalceliska degdega aheyd ayaa ka caawisay Salah goolkii furitaanka waxaana uu nasiib darro ku lahaa inuusan isagu shabaqa soo taabanin.
Bedel: Jota 6, Milner n/a, Firmino n/a, Elliott n/a, Keita n/a

Everton: Pickford 6; Coleman 5, Coady 6, Tarkowski 7, Mykolenko 6; McNeil 5, Doucoure 5, Gueye 6, Onana 6, Iwobi 6; Simms 6.

Bedel: Gray 6. Maupay n/a, Davies n/a