“Siibashadii Gerrard Ma Qaladkayaga Ayay Ahayd?” – Guardiola Oo Ku Jeesjeesay Halyeeyga Liverpool & Sababta.

0
121

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa markale difaacay koobabka ay kooxdiisu kusoo guuleysatay tan iyo markii ay Bilyaneerada carbeed la wareegeen 2008.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxdaas lagu soo oogay dambi iyo dacwad loogu haysto qaladaad ay sameeyeen dhinaca dakhliga soo gala iyo saxeexyada ay sameeyaan.

Dambiyadaas lagu haysto ayaa keenay in aad looga doodo ganaaxyada ay mudan karaan iyo waliba haddii ay tahay in laga qaado Koobabka ay kusoo guuleysteen mudadaas.

Pep ayaa sheegay in daqiiqadaha cajiibka ah ee taariikhiga u ah kooxdooda sida goolkii Sergio Aguero ka dhaliyay QPR 2012 ay yihiin kuwo ay iyagu leeyihiin horyaalada iyo koobabka ay kusoo guuleysteena aan laga qaadi karin.
Sidoo kale Guardiola ayaa si dadban u duray halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard oo siibashadiisii caanka ahayd ee kulan ay la ciyaareen Chelsea 2014 ku sababay in Reds horyaalka waayaan sidaasna ay ku guuleysato City isagoo Pep sheegay inaysan iyagu lahayn qaladka ah in Gerrard siibtay.
“Dhacdooyinkaas anaga ayaa iska leh, gabi ahaanba anagaa iska leh, waxkasta oo xukunku noqdo anagaa iska leh” ayuu yidhi tababarihii hore ee Bayern Munich.

“Goolka Sergio Aguero marka uu Ballotelli siibanayo. Ma garanayo haddii aanu masuul ka ahayn in Gerrard ku siibtay Anfield, taasi ma qaladkayagay ahayd? Ixtiraam ayaan u hayaa Steven Gerrard balse taariikhdaas anagaa iska leh”.

“Daqiiqadaha taariikhiga ah ee aanu soo wada qaadanay sanadkan, Premier League ayaa go’aamin doona…balse waan ogahay waxaanu ku guuleysanay iyo qaabkaanu ugu guuleysanay, waan ogahay dadaalka aanu galinay”.

NI7hQ l0?format=jpg&name=small