Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa albaabka ka saaraysa sagaal ciyaartoy oo kooxda koowaad ah kaddib laba xilli-suuq oo lacag badan ay kharash garaysay kooxdu.
Blues ayaa bishii January waxay samaysay saxeexyo waaweyn sida Enzo Fernandez, Mykhailo Mudryk, Joao Félix, Benoit Badiashile, David Datro Fofana, iyo Noni Madueke, waxaana ka baxsadya lacag gaadhaysa £323.3 milyan oo Gini. Waxa kale oo ay Blues lacag badan suuqa gelisay xagaagii.
Tababare Graham Potter oo maanta la hadalyay saxaafadda ayaa qirtay in kooxdiisu ay ciyaartooyo fasixi doonto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.
Sida uu qoray wargeyska ESPN, madaxweynaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa qalinka ku duugay qaraarka kooxda lagaga dirayo sagaal ciyaaartoy oo uu ku jiro Mason Mount oo ay raadinayaan kooxo ay ka mid tahay Liverpool.
Liiska ciyaartoyda laga dirayo Chelsea ayaa waxa ka mid ah Christian Pulisic iyo Romelu Lukaku oo amaah ugu maqan Inter Milan oo uu dib ugu laabtay isaga oo Blues ay £97.5 milyan oo Gini kaaga soo iibsatay sannad iyo badh ka hor.
Hakim Ziyech oo bishii hore u dhowaaday inuu amaah ku tago Paris Saint-Germain laakiin maalintii ugu dambaysay uu burburay heshiiskii labada kooxood, Kalidou Koulibaly oo xagaagii ay Chelsea kasoo iibsatay Napoli, N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic ayaa iyagana laga diri doonaa Chelsea.
Intan oo kaliya kuma ekaanayaan ciyaartoyda ka tegi doona Chelsea, waxaana sidoo kale ku jira Pierre-Emerick Aubameyang oo haddaba ay suurtogal tahay inuu amaah ku tago Maraykanka iyo Callum Hudson-Odoi oo amaah ugu maqan Jarmalka.