Manchester City oo lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo oogay.

0
153

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo oogay ee ka dhanka ah sharciyada kubadda cagta, kuwaas oo ay suurtogal tahay inay ku mutaysato ciqaabo adag.

Xarunta qareennada ee Boris Johnson’s (Partygate) ayay Manchester City la xidhiidhay, waxaanay heshiis la gaadhay qareenka aadka loo qaddariyo ee Lord Pannick KC oo ka difaaci doona dambiyada halista ah ee loo haysto.

Lord Pannick KC ayaa waxa uu toddobadkii mushahar uga qaadan doonaa Manchester City lacag gaadhaysa £400,000 Gini oo la mid aha mushaharka ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League oo ah Kevin de Bruyne.

Manchester City abaal-weyn ayay ku qabtaa inay bixiso lacag kasta haddii ay ka badbaadayso dembiyada culus ee loo haysto, waxaana Lord Pannick KC oo hore lataliye ugu ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson uu noqon doonaa midka ku matali doona fagaareyaasha sharci iyo maxkamaddaba.

Sida uu ogaaday wargeyska The Sun, Lord Pannick ayaa waxa uu maalintii qaadan doonaa £80,000 Gini ama £400,000 Gini oo toddobaadkii ah.

Saacaddii ayuu Lord Pannick uga xaadiri doonaa Manchester City £5,000 Gini, waxaana uu ka  mushahar badan yahay shan ciyaartoy oo Man City ah, waxaanay arrintani mar kale indhaha kusoo jeedisay kooxdan oo sheegtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay isku difaacayso.

Manchester City ayaa ku eedaysan in ay jabisay in ka badan 100 jeer sharciga dhaqaale wanaagga oo ay been-abuur ka samaysay miisaaniyaddeeda, heshiisyada ciyaartoyda iyo xataa lacagaha xayaysiisyada ay ka hesho.