Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Reading Kulan ka dhacay Old Trafford.
United ayaa fursado is daba joog ah ka samaysay ciyaarta iyaga oo raadinayay gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.
Man United ayaa daqiiqadii 35-aad dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Marcus Rashford.
Qaybtii dambe ayay United sii waday wacdaraha ay ka dhigayso kulanka iyaga oo raadinayay goolal ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 55-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta ku dilayaan xilli ay Reading daafaca ka baxday si ay u dhaliso goolka bar-baraha.
Kooxda Reading ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 65-aad kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga Andy Carroll kadib khalad uu ku galay Casemiro.
Kooxda Man United oo ka faa’iidaysanaysa casaanka loo taagay xiddiga Reading ayaa sii xoojisay weerarada ay doonayso in ay ku disho ciyaarta.
Daqiiqadii 66 ayay United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Fred kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay United ku hogaaminayso.
Kooxda Reading ayaa daqiiqadii 72-aad dhalisay goolka 1-ad waxana u dhaliyay xiddiga Mbengue kaas oo madax ka dhliyay kooxda Man United.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man United iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.