Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Man United ayaa isha ku haysa inay boos ka samaysato wareega shanaad ee FA Cup-ka kahor kulanka ay wareega afraad caawa la ballansantahay kooxda Reading.
Reading ayuu hoggaaminayaa halyeeyga Man United ee Paul Ince kaas oo isku dayi doona inuu Old Trafford ku dhibo Red Devils.
Wararka Labada Kooxood
Warka u wanaagsan Red Devils ayaa ah in tababare Erik uu xaqiijiyay in Jadon Sancho oo mudo dheer maqnaa uu kasoo muuqan karo ciyaartan.
Harry Maguire oo kulankii Nottingham ganaax ku seegay iyo Lindelof ayaa daafaca dhexe kasoo wada muuqan kara iyadoo Wan Bissaka iyo Malacia garbaha daafaca dheelayaan.
Sidoo kale goolhaye Jack Butland ayaa ugu soo bilaaban kara Red Devils halka ay fursad heli karaan da’yarta kala ah Garnacho, Elanga, Mainoo iyo Pellistri.
Shaxaha Macquulka Ah
Man United (4-3-3): Butland; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Malacia; Mainoo, McTominay, Fred; Pellistri, Elanga, Garnacho
Reading (3-5-2): Lumley; Dann, Holmes, McIntyre; Yiadom, Hendrick, Loum, Fornah, Baba; Ince, Joao
Xogta Kulanka
Tartanka: FA Cup
Garoonka: Old Trafford
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa