Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa hal lug la sii gashay finalka koobka Carabao Cup ka dib markii ay 3-0 ku garaaceen kooxda Nottingham Forest oo marti loogu ahaa garoonka City Ground lugtii hore ee wareega afar dhamaadka.
Bruno Fernandes ayaana ciyaarta hurdo u diray dhamaadkii iyadoo Man United ay hal lug la gashay finalka, waxayna lugta labaad ee semi-finalka ku ciyaari doonaan Old Trafford 1da bisha Febraayo.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo Man United ay koontarooleysay kubada, waxayna ku qaadatay kaliya lix daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta. Marcus Rashford ayaa kubad dhexda uu ugu dhigay Casemiro soo jiiday islamarkaana iska dhexmaray dhowr ciyaaryahan ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin.
Bartamihii qeybta hore Nottingham Forest ayaa mooday inay dhaliyeen goolka barbaraha ka dib kubad rogeelcelis ah oo ay qaadeen laakiin VAR ayaa goolkooda diiday oo offside ayaa laga dhigay.
Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Manchester United ayaa heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii uu Weghorst shabaqa soo taabtay, waxaana lagu kala nastay labadaas gool.
Bilowgii qeybta labaad Man United ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkeedii seddexaad markii Christian Eriksen uu birta ku garaacay kubad uu u soo celiyay Antony.
Gibbs White ayaa isna fursad fiican u abuuray kooxda Nottinham balse waa ay haleeli waayeen inay shabaqa soo taabtay,
Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ku badisay lugta hore, waxaa lugta labaad lagu ciyaari doonaa Old Trafford 1da bisha Febraayo.