Muran Weyn Oo Ka Taagan Mustaqbalka Lionel Messi Ee PSG & Xogah Kala Duwan Ee Laga Qorayo.

0
79

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Saxafiga xog ogaalka ah ee ree Spain ee Gerard Romero ayaa shaaca ka qaaday war lama filaan ah oo la xidhiidha mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Paris Saint-Germain.

Messi ayaa suuqii xagaaga ee 2021 qaab bilaash ah ugu wareegay Paris isagoo markaas heshiis laba sano ah qalinka ku duugay.

Leo ayaa xilli ciyaareedkiisii labaad haatan ku dhex jira iyadoo heshiiskiisu xagaaga soo socda ku eeg yahay, xilli ciyaareedkii koowaad ayaa shaqsiyan u ahaa mid uusan sidii laga filayay u fiicnayn sidoo kalena kooxda ka caawin waayay hammigeeda ah ku guuleysiga Champions League.

Romero ayaa barnaamij toos ah oo uu baahinayay ku sheegay in ku guuleysigii Koobka aduunku bedelay go’aankii Messi haatana uusan ku dhawayn wax heshiis kordhin ah oo uu PSG u sameeyo.

“Haatan Messi wuxuu ku dhaw yahay inuusan heshiiska u kordhin PSG, ku guuleysigii Koobka aduunka ayaa bedelay maskaxdiisa balse taasi kama dhigna in halka xigta ee uu tagayaa tahay ku laabashada Barcelona” ayuu yidhi Gerard.
Mid kamida waxyaabaha saamaynta yeeshay ayaa ah inuu Messi Finalkii Koobka aduunka ku garaacay dalka uu ka ciyaaro ee France iyadoo lagu ooriyay kulamada ay kooxdiisa PSG martida tahay tan iyo kasoo laabashadii Qatar.

Arrinta muranka ka dhigaysa warka Gerard Romero ayaa ah in warbaahinta France degdeg u beeniyeen warkiisa iyagoo sheegaya in go’aanka Messi wali heshiis kordhin yahay.